Dib-u soo noolaynta Cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka gobolka Bakool (Warbixin)

Bulsho kasta oo deegaan ku nool waxay leedahay dhaqammo iyo ciyaaro u gaar ah ,waxaana jira cayaaro aad looga xiiseeyo deegaannada Gobolka Bakool waxaana ka mid ah ciyaarta loo yaqaanno "kobdhow" waana mid bulshada soomaaliyeed ka wada siman yihiin oo xilliyadii hore lagu tababaran jiray si xilliyada qaarkood qofku ku dagaallami jirey.

Xilliga dagaalka waxa la adeegsadaa Falaar, hase ahaatee xilligaan waxa lagu tartamaaya gamuun oo keliya,

Galab walba marka salaada casar laga soo baxo ,waxaa isugu yimaada fagaare ku yaal Gobolka Bakool dad badan oo cayaartaan daawada waxana ku tartamayaa labo koox, oo isugu jira dad da'ah iyo dhalinyaro, waxa la kala tirsadaa dhibco buug lagu qoro, waxa kale oo lagu xisaabiyaa xariijimo dhulka laga jeexo oo dadka oo dhan wada arkayaan, kooxdii laga badiya waxaa ay shaah u iibisaa kooxda badisey, waxaana lagu dur tiriyaa geeraar ma jirto wax intaa ka badan oo lagu kala helo.

Agabka lagu cayaaro waa mid gacmahooda ay ku sameysteen oo ka mid ah hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, waxana uu ka kooban yahay Qaanso iyo Gamuun, goobta ay fadhiyaan oo gamuunada laga tuuro iyo meesha bartilaameedka ah waxay isujiraan masaafo dhan 60 mitir.

Waxa xusid mudan oo aad iisoo jiitay gamuunnada lama kala tuurto ee hal mar ayaa la isla tuuraa la iskuma qabsado ee waa lakala yaqaanaa, qofkii gamuunka ku dhuftana waxa loo soo qaadaa kii ku dhuftay iyo midkale oo Kooxda kale laga soo qaado, waxa jira dhalinyaro u diyaarsan in gamuunada soo uruuriyaan.

Maxamed Maxamuud Mursal waxa uu hoggaan u yahay mid ka mid ah kooxaha, waxuuna cayaartaan bilaabay isagoo jira 15 sano waxan kala sheekeystey cayaarta iyo qalabka loo isticmaalo.......

Isaak Cabdinuur waa 83 sano jir inta badan waqtigiisa ku soo qaatay cayaartaan "Kobdhowka" kuna xeeldheeraa sameynta qalabka loo adeegsado  wuxuuna iiga waramay inuu yahay macalin dadka ku kala saara wixii ay ku murmaan....

Waxa jira taageerayaal ku taxan oo galab walba u soo daawasho taga cayaarta, Kadiil Cali waxa uu ka mid yahay dadka sida joogtada ah u yimaada goobta tartanka cayaarta lagu qabto waxaana ka muuqda sida uu ugu faraxsan yahay daaashadeeda wuxuuna rajo ka qabaa in kooxda uu taageersan yahay ay guulaysato…

Kabdhawga Waa cayaar aad xamaasad badan, waxaana xusuus lama ilaawaan ku reebay dareenkayga daawashada dhaqan ciyaareedkaan xiisaha badan.

W/D: M.Goone