Dekadda Muqdisho oo laga Bilaabay baarista Cudurka halista ah Coronavirus.

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda dekadaha, Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Dekadda Muqdisho ayaa iska kaashaday siddii looga hor-tagi lahaa  Cudurka Coronavirus oo dhibaato weyn ku haya Caalamka.

Shaqaallaha Badmaaxiinta ee la socda Maraakiibta kusoo xirata Dekedda Muqdisho, ayaa la bilaabay in laga baaro Cudurka Coronavirus, si loo hubiyo Caafimaadka Badmaaxiinta inta aysan gudaha dekedda u soo gudbin.