Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo la kulmay Mr. Brain+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb: Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta booqasho sharfeed xafiiskiisa ugu tagay siihayaha safaaradda Mareykanka ee dalkaasi Mr. Brain.

Mas'uuliyiinta labada dhinaca ayaa kulankoodi waxaa ay kaga hadleen xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta,iyadoo danjiraha Soomaaliya ee Suudaan uu kaga mahadceliyay taageerada Mareykanka ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Mareynkanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn Soomaaliya uga taageera dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Leave a Comment