Corona Virus oo Caalamka ku dilay in ka badan160.000 Qof

Dadka uu ku dhacay Cudurka Covid-19 ayaa kor u dhaaftay 2,320,456 Milyan Adduunka oo dhan, waxaana u dhintay in ka badan 160,000, halka tirade soo kabashaduna ay gaareyso 600,000 sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen Jaamacadda Johns Hopkins iyo mareegta "World Meter" oo labaduba takhasus u leh la-socodka Cudurka Crona.

Dalka Mareykanka ayaa ugu horreeya liisaska Waddamada ugu badan ee Cudurka Crona uu ku faafay ,isagoo laayay in ka badan 60,000 oo Qof, Talyaaniga ayaa isaguna galay kaalinta labaad waxaana u dhimatay 23,227, Spain ayuu Cudurku ka dilay 20,639, halka Faransiiska ay ku dhimatay 19,323,Britain oo ku jirta kaalinta Shanaad ayaa waxaa ku geeriyootay 15,464.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dhowaan sheegtay inay tijaabo ku jiraan Saddex tallaaal oo la damacsan yahay in lagu soo afjaro faafitaanka iyo khatarta Crona Virus.