Ciidanka Xoogga oo Shabeellada Hoose ku dilay horjooge iyo tiro kale oo Al-shabaab ah

Ciidanka kumaandooska soomaaliya ee  danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa labo jiho ka weeraray degaanka mubaarak ee gobolka shabellada hoose.

Kumaandooska soomaaliya ayaa howlgalka ku dilay gudoomiyihii al-shabaab ee degaanka mubaarak iyo tiro ka tirsan maleyshiyada al-shabaab.

sidoo kale ciidanka kumaandooska soomaaliya waxa ay howlgalka ku bur buriyeen gaari hoomey ah oo nabadiidka al-shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska soomaaliya oo la hadlay idaacada Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Horjogihii al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak iyo tiro maleyshiyaad ah.

Saraakiisha danab  waxa ay horjogaha la dilay magaciisa ku sheegeen sheekh cabdulle gaare oo nabadiidka al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak.