Ciidanka Xoogga oo Kaabiga ku haya Degmooyinka Kuntu-waareey iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha hoose “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab ayaa bilaabay inay isaga cararaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay siddii argagixisada looga saari lahaa guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka xoogga dalka ayaa nawaaxiga degmooyinka kuntu-waareey iyo sablaale ka bilaabay howlgalo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka baxsadka ah ee Alshabaab, kuwaasi oo inta badan haatan faarujiyay degmoyinkaasi, sida uu Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegay S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kus ugan deegaanka Janaale oo dhawaan laga saaray argagixisada.

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadkii ka cararay kuntu-waareey iyo sablaale ay gaareen gobolka Jubbada dhexe, ayna uga daba tagi doonaan.

Geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka oo kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab ayaa dhowaan ka saaray deegaanka Janaale oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka shabeelaha hoose.