Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad kale

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerar  ku dilay ku dhawaad 50 ka Tirsanaa maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo madaxii howl-galinta nabad-diidka ee Shabellaha dhaxe

Dagaalkaan  ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay waxaana uu ka dhacay Tuuladda bululow ee hoostagta degmada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska danab oo la hadlay idaacada codka Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulada bululow lagu dilay In ka badan 50 maleyshiyaad ah iyo horjoogihii howl-galinta al-shabaab u Qaabilsanaa gobolka shabellada dhaxe.

Saraakiisha danab ayaa horjogaha la dilay waxa ay magaciisa ay ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo nabadiidka u qaabilsanaa howl-galinta

Ugu dambeynti saraakiisha kumaandooska waxa ay sheegeen in meydadka maleyshiyaadka iyo horjogihii la dilay ay nabadiidka ku aaseen tuulada buulo yareey shiiqaal oo ka tirsan shabellada Dhaxe