Ciidanka xoogga dalka oo Al-Shabab  kala wareegay deegaanka Abaal ee gobolka Bakool.

Muqdisho;(SONNA)-Ciidamada Xoogga dalka ee jooga  gobolka Bakool gaar ahaan guutada 9-aad ayaa maanta la wareegay gacan ku heeynta deegaanka Abaal oo qayaastii 20km dhanka koofur kaga  beegan Magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaal saacado qaatay oo argagaxisada Al-shabaab Al-qaacida iyo ciidamada xoogga ku dhexmaray duleedka  deegaanka Abaal ayaa sababay in araxda laga jibiyo maleshiyada qooleysatada  ah ee Al-shabab.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaan maanta lagula wareegey deegaankaas  ayaa sheegey in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac  leh oo loo geeytay  maleeshiayada deegaanka laga saaray.