Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku dilay dagaal ka dhacay Goof-guduud

Muqdisho(SONNA) Ciidamada XD Soomaaliyeed ayaa ka hortagy Werarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhi Ciidamadu ay ku leeyiin Deegaanka Goof-gaduud Gobalka Baay, Weerarka ayaa ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, waxaa xigay Qof xiran Jaakadda Qaraxyada, kaasoo isna isku qarxiyay bannaanka Saldhigga.

intaas kadib waxaa bilaawday dagaal toos ah,ciidamada ku sugnaa xerada ayaa iska caabiyay oo ka hortagay damicii alshabaab ee ku aadanaa deegaankaasi,waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay khasaare.

Tobaneeyo ka tirsan Xagjirka Alshabaab ayaa lagu dilay halka qaar kalana nolosha lagu qabtay.

Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weerarka Alshabaab ka hadlay wuxuu intaasi ku daray in lagu raad joogo koxda Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

Talisku wuxuu intaa ku daray in xaaladda hadda ay tahay mid degan islamarkaana ay ciidamadu wadaan howlgalo lagu baacsanayo maleeshiyaadkii weerarkaasi soo qaaday.