Ciidanka Kumaandooska Danab oo Bur-buriyey Saldhig Argagixisada ay ku lahaayeen Jubbooyinka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Kadib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo u dhow birta dheer, islmarkaana magaaladda kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose u jirta 60 KM ayey gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhig Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen halkaasi, iyaggoo qasaaro gaarsiiyey  maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay, gacantana ku dhigay saanad ciidan oo  halkaas u taalay.

Deegaanka ayaa ahaa xarun ay isaga kala gudbi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab, waxaana haatan fariisin ka dhigtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka qorsheysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxaa qasaare xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada, waxaana halkaasi looga dilay Lix maaleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida us heegay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan gobolada dalka waxey kawadaan howlgalo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka argagixsada al-shabaab, islamarkaana lagu bur-burinayo goobaha ay ku dhuumanayaan Nabad diidka arxanka darran.