Ciidamo ka mid noqonayo Daraawiishta Galmudug oo tababar loo furay (Sawirro)

Dhuusamareeb-(SONNA)-Ciidamo la qorsheynayo in ay ka mid noqdaan Daraawiishta Galmudug ayaa tababar uga furmay xerada Ciidamada dhaan karoone ee ku taalla duleedka degaanka Galinsoor ee Gobalka Galguduud.

Tababarkaan ayaa waxaa furitaankiisa ka hadlay wasiirka wasaarada amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in Ciidamadan ay qeyb ka yihiin Ciidamada loo carbinayo kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo qaarkood muddooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socanayay xerada Indha qaris ee ku taala duleedka degaanka Docol ee Gobalka Mudug.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wado dardar xooggan oo ay ku sharciyaynayso maleeshiyaadka Beeleedyada iyo Hubka ay haysteen.