Ciidamada xoogga oo suurtagaliyay in Gawaari u rarnaa Ganacsato ay si nabad ah u gaaraan  Xudur

Gawaari nooca xamuulka ah oo u rarnaa ganacsato,isla markaana xayirnaa in muddo ah, ayaa gaaray Magaalada Xuddur ka dib howgallo miino sifeyn ah oo ciidamada xoogga dalka ee gobolka bakool ay ka sameeyeen wadada isku xirta Quraxjiime iyo Xuddur.

ciidamada xooga dalka guutada 9 aad qeybta 60 aad ee gobolka bakool ayaa howgal ay ku xaqiijinayaan amaanka wadada ku saneeyey taasoo shacabka ku dhiiragelisey in si kalsooni ah wadada ku maraan.

Taliyaha Ururka 51 aad guutada 9 aad gobolka bakool Deerow Macalin Cabdi ayaa sheegey ujeedada howgalkooda inuu ahaa badbaadinta nafta iyo hantida shacabka,wuxuuna intaasi ku daray in naftooda ay u hurayaan ilaalinta karaamada shacabka soomaaliyeed.

2 maalin ka hor ayeey aheyd markii aa maleeshiyada Al-shabaab ay wadada geliyeen miino waxyeello gaarsiiyay dad shacab ah waxana arintaasi ay abuurtay  baqdin laga qabo  isticmaala wadooyinka mara meelaha shabaabka ku dhuumaaleystaan.