Ciidamada Xoogga ee ku sugan Awdheegle oo khasaare xoogan u geystay maleeshiyaadka Al-shabaab”Sawirro”

Awdheegle (SONNA)Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaa jab iyo khasaare xoogan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsann kooxda Shabaab,kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in ay ka dileen kooxda Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay ka xureeyeen maleeshiyaadka Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay dadku ku dhibaatayn jireen kooxda Alshabaab,gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgaladii ugu ballaarnaa oo lagu ciribtarayo argagixisada Alshabaab.