Ciidanka Xoogga dalka oo ku guuleystay fashilinta weerar argagaxisada ay ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle

Muqdisho.(SONNA) Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta isku dayay in ay weeraraan saldhig Ciidanka Xoogga Dalku ku leeyihiin Ballidoogle gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo Alshabaab xoog badan galiyeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsadeen, haddana waa la fashiliyay sababtoo ah CXD oo aad u feejignaa in ka yar 10 daqiiqana ku soo afjaray weerarka, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.

Rasaas is-weydaarsi dhacay qaraxyada ka dib waxaa lagu dilay dhammaan maleeahiyadii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Alshabaab ayaa weerarradan naf la caariga ah uga gol leh in ay carqaladeeyaan howlgallada Ciidanka Xoogga Dalku dalka uga sifeynayaan argagixisada, kaas oo si weyn loogu wiiqay Alshabaab.