Ciidamada Danab oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsan Al- Shabaab

Marka-(SONNA)- Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ay ka sameeyeen degaanka Jannaale ayaa gacanta  Ku soo dhigay qabtay horjoogihii Canshuuraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee Shabeelada hoose, Maxamuud Yuusuf  Mansuur,howlgallo baaritaanno ah oo ay degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa ka sameeyeen Ciidamadda Danab ee xoogga dalka ayaa waxay ku soo qabteen horjoogahaasi maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo ay ka qaadaan dadka masaakiinta ah ee gobolka Shabeelada hoose iyo 7-maleeshiyaad ah oo la socday, oo hadda ay ku socdaan baaritaanno

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdi-xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Jannaale iyo degaannada hoos yimaada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka,taasi oo suuragalisay in gacanta lagu soo dhigo horjooge Maxamed Yuusuf Mansuur oo ahaa madaxii lacagaha canshuuraha ah ee gobolka Shabelaha hoose ka qaadi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

 Howgalka lagu soo qabtay horjoogahaani iyo maleeshiyaadka las ocday ayaa waxaa fuliyay ciidamadda Dana bee xoogga dalka Soomaaliya oo muddooyinkaan danbe waday dadaal geesinnimo leh oo ay dalka kaga xoraynayaan kooxaha nabad-diidka ah meel kasta ay dalka kaga sugan yihiin,