Carwada Buugaagta Garoowe “ Wixii qoran baa quruumo hara”

Buqcadda Alle dhulkiisa inooga calaamadeeyay ee ku taal geeska Afrika, magaceedana  yahay Soomaaliya, waxa ay rubac dhamaadkii qarnigii ugu dambeeyay ahayd, meel dhibaato baahsani ka jirto, ayadoo sidaas xaalku yahay waxaa gallad eebbe ah, in ummadu Soomaaliyeed ay u diyaar garowday inay duruufahaasi ka gudubto kana shaqayso horumarkeeda. Ka shaqaynta danaha bulshada waxaa dhabarka u ritay qayb ka mida bulshada gaar ahaan Qallin maalka, hal abuurka haweenka iyo dhallinyarada.

Tobankii sano waxaa dalka ka soo if baxay Carwooyin lagu soo bandhigayay buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro, tii ugu danbaysayna waxaa dhawan lagu qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Punt-land

Daahfurka carwada buuggaagta Garoowe: madashaan kulmisay hal-doorkii qallinlayda ummada Soomaaliyeed, waxaa  daah furay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.

Mudane Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu aad u amaanay aqoon-yahankii soo abaabulay oo ay ugu horeeyeen, Machadka horumarinta iyo cilmibaarista Soomaaliyeed ee SIDRA. Machadkaan oo muda dheer ka shaqeynayay horumarinta arrimaha bulshadda ayaa waxa uu mudo shan sano ah qabanayay Carwa buuggeedka caalamiga ah ee Garoowe.

Mudane Dani ayaa waxa uu sheegay muhiimada ay leedahay in la garab istaago horumarinta garaadka iyo aqoonta bulshada. Madaxweynaha ayaa waxa uu ku booriyay qalin-maalkii kasoo qeyb galay carwada inay cilmigooda u adeegsadaan waxa dalka iyo dadka badbaadin karo, eek u salaysan sheegidda xaqiiqda.

Hadalka madaxwayne Dani ee furitaanka kadib, waxaa si toosa u furmay carwadii in dhaweydba la wada sugayay, waxaana bilowday in la dhex maquurto doodaha cilmiyaysan. Waxaana ugu horayn la gudagalay dood cilmiyeed  ku saabsanayd dowrka Afkeenna hooyo uu ka qaadan karo horumarinta waxbarashada.

Dawrka Afsoomaaligu ka qaadan karo Horumarinta Waxbarashada:-

Doodaan waxaa ku kulmay aqoon-yahan ku xeel-dheer afka iyo waxbarashadaba, aqoon-yahankaan ayaa si muuqata uga hadlay sida ay muhiim u tahay in afka hooya wax lagu barto, taasina waa arin horay loogu guulaystay  xiligii  todobaatameeyadii .

Doodaas  oo aad u faa’iido badnayd ayaa waxaa ka qayb qaatay aqoon-yahan gayiga Soomaalida aad looga yaqaan waxaana ka mida, Injineer Cabdifitaax Cabdullaahi Muuse, Pro. Max’ed Daahir Afrax iyo kuwo kale.

Inta ay socotay carwada buuggaagta waxaa si mug leh looga dooday sida ay muhiim u tahay in markasta laga shaqeeyo horumarka dalka Soomaaliyeed dhankastana laga maro. Iyadoo arintaas laga duulayo ayaa waxaa laga dooday dhinacyo badan, waxaana ka mida doodahaa sida muuqatay looga dooday dowrka gabdhaha qorayaasha ah ku leeyihiim kobcinta garaadka bulshada.

Dawrka Gabdhaha Qorayaasha ee Kobcinta Garaadka Bulshada.

Carwada buuggaagta Garoowe ayaa waxaa si qurux badan la isku dhaafsaday, aqoon mug leh, taasoo aqoon-yahanki iyo bulshadi ka soo qayb-gashayba ay ka faa’iideysteen.

Waxaana dhanka kale si hagar la’aan ah loogu soo bandhigay, buuggaag ka hadlayay arrima kala gadisan, sida buugaag cilmi ah, taariikh, siyaasad, sheekooyin iyo kuwa kale. Carwada waxaa sidoo kale qayb ka ahaa bandhigyo dhaqan iyo suugaan isugu jiray oo si farshaxan leh loo soo agaasimay.

Carwadaan waxaa kasoo qeyb-galay  Qallin- maalka  iyo aqoon yahanka ummada Soomaaliyeed, oo meela kala duwan isaga yimid.

 Gunta iyo gabagabada Qormadayda ayaa waxaan soo qaadanayaa murtidii Soomaaliyeed ee ahayd“Wixii qoranbaa quruuma haree alla!! Hadal muxuu qiima leeyahay”. Oraahdaan qiimaha badan, waxa ay ina tuseysaa muhiimada uu leeyahay dhigaalka sooyaalka ummadeed.

 W/D: Daljir C. HalgameEmail:  [email protected]

waxaa dib u habeeyay: Abuukar Gobdoon