Boqorka iyo Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Ugu Hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Sanadguuradii 60-Aad Ee Xornimada Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taas oo ku saabsan munaasabadda sannad-guurada 60-aad ee madax-bannaanida goballada Koofureed ee dalka iyo Midowgii labada gobol ee  Waqooyi iyo Koofur.

Hambalyada ayaa lagu yiri “Boqorka isaga oo ku hadlaya magaca, shacabka  iyo dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuu  bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxwayanaha iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo u rajeyanaya  farxad, degganaansho iyo nabad waarta”