Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyey guddiga doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa

Jowhar (SONNA)- Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar waxa ay ku ansixiyeen guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim luqmaan Xaaji Muxumed,iyadoo la horgeeyay guddiga doorashada oo ay guddoomiye u tahay mid ka mid ah xildhibaannada dumarka ah ee ka mid ah baarlamaanka 2-aad ee Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan Jadwalka doorashada Madaxwaynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ayaa waxaa guddoomiye u ah  Xildhibaan Caasho Khaliif Maxamed halka uu gddoomiye ku xigeen ka yahay Xildhibaan Abuukar Xasan Cali  waxaana xoghayn u ah xildhibaan Cabdifataax Cabdqaadir Caddow.