Wasaaradda Kallumeysiga Jubbaland oo qalab Kalluumeysi gaarsiisay dadka deegaanka Goob-weyn

Wasaaradda Kallumeysiga Jubbaland oo qalab Kalluumeysi gaarsiisay dadka deegaanka Goob-weyn

236
0
SHARE

Kismaayo (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Jubbaland  Ibraahim Cabdi Xasan Baajuun oo ay wehliyaan Hawlwadenada Wasaaradda Kallumaysiga ayaa maanta waxa ay gaarsiiyeen dadka kalluumaysatada ee dagan deegaanka goobweyn iyo hareeraheeda agab Kallumaysi oo ay kusoo jillaabtaan Kalluunka.

Agabkaani ayaa kamid ahaa tarmuusyada lagu keydiyo barafka, mindiyo iyo sidoo kale Tooshash ay ifsadaan.

Tirada agabkaani oo ahaa 160 kartoon, ayaa waxaa 100 kartoon oo kamid ah loogu deeqay kalluumaysatada ceel saaxil halka kallumaysatadda ku dhaqan goobweyn ay heleen 60 kartoon.

Inkastoo aysan baahida kalluumaysatada ay agabkani maanta Wasaaaraddu gaarsiisey aysan ku filneen ayaa hadana  kallumaysatadii heshay agabkaani waxa ayaa sheegay in tani ay tahay billow laakin waxa ay codsadeen doomo iyo shabaag.

Guddoomiyeyaayaasha goob-weyn iyo Ceel saaxil ayaa waxay ku ammaaneen Wasaraadda Kalluumaysiga tayeynta Kallumaysatada ,iyagoo ka codsaday intaan kabadan in la soo gaarsiiyo maadaama baahida intaan ay ka badantahay.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo kheeyraadka badda ee Jubbaland ayaa kallumaysatada u sheegay inay taageeri doonaan Kallumeysatada ku Nool deegaannada Jubbaland.

LEAVE A REPLY