Taxanaha Waxbarashada Tacliinta Soomaaliya (qeybtii) 1-aad

Taxanaha Waxbarashada Tacliinta Soomaaliya (qeybtii) 1-aad

326
0
SHARE

Tacliintu Waa nidaamka Waxbarashada ee lagama maarmaanka u ah bulshada,isla markaana ka mid ah adeegyada  aasaasiga ah ee ay ku tiirsan tahay nolosha iyo ilbaxnimada dalka,waxaana maamula Wasaaradda Waxbarashada dalka.

 Haddaba waxaan Bogga Wakaaladda SONNA ku soo bandhigi doonnaa Qoraalo ka hadalaya Tacliinta Soomaaliya:-

  1. Xiillgii Gumeysiga ka hor.
  2. Xilligii Gumeysiga.
  3. Xilligii Xorriyadda.
  4. Xilligii Xukuumaddii Kacaanka.
  5. Xilligii bur-burka Dowladdii Kacaanka kadib.
  6. Iyo Tacliinta maanta.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA GUMEYSIGA  KA HOR

Waxbarashada cilmiga diiinta iyo aqoonta kale ee Seyniska iyo Tiknolojiyada ,waa kuwo la soo ifbaxay  abuuritaankii  aadanaha oo wheel  looga dhigay duni ka kooban dhul Berri ah,Bad iyo Cir,isla markaana u baahan in mid kasta loo derso qaab sameyskiisa,laguna maareeyo nolosha guud,iyadoo laga fogaanayo ama laga hortagayo intii surtagal ah caqabadaha ku xeeran dabeecadaha koonka.

Bulshada Soomaaliyeed,waxa ay ka mid tahay shucuuubta caalamka ee soo maray barashada heerarka kala duwan ee loo qaato nuuucyada aqoonta,haddeey ahaan laheyd midda oraahda ee lagu gudbiyo afka  iyo tan qoraalka oo la helay xilligii hore ee bilowga aadanaha.

Waxaa dhab ah oo marag-ma doonto ah in  Sooyaalka Taariikheed ee Soomaaliya laga dheehan karo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada,inkastoo aragti ahaan lagu kala duwan yahay xilligga  ay soo bilaabatay waxbarashada bulshada Soomaalida oo dadka qaar ayaa qaba in ay la fac tahay dhalashada diinta islaamka,halka kuwo kale ay rumeysan yihiin in ay soo jirtay 3-kun oo sano ka hor

Marka laga yimssdo taariikhda barashada qoraalka cilmiga ka sokoow,dadka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay ahaayeen kuwa aqoon gaar ah u lahaa barashada cilmi falagga iyo aqoonta nuucyada dhirta ee loo isticmaalo daaweynta iyo kuwa lagu sumeeyo xayawaanada ama dagaalada cadowga.

Dad badan oo socoto ah,dowlado iyo Boqortooyo awood leh oo  xiriir la lahaa Soomaaliya,ama qaab ganacsi kala dhexeeyay ayaa ka qeybqaatay faafidda waxbarashada cilmiga ee dadka,waxayna dalka ku soo gashay sadex weji ,tusaale ahaan dhulka  waxaa aqoontu ay ku soo hormartay Magaaloyinka xeebaha leh ee daslka.

Deegaanada dhul xeebeedyada ah ee ay ka bilaabatay barashada diinta islaamka.waxaa ugu muhiimsan ee laga soo qaadan karaa Seylac,Berbera, Warshiikh, Banaadir, Marka, Baardheere iyo kuwo kale, halka deegaanada Beeraleyda ah iyo Baadiyahaba ay ku timid  si gaabis ah.

Markii ugu horeysay qoraal rasmi ah oo loo adeegsado barashada tacliinta diinta islaamka iyo kutubka Qu’raanka ah waxaa dadka Soomaaliyeed ay ku soo baraarugeen muddo laga joogo kun iyo afar boqol oo sano,iyadoo faafidda diinta ay door muhiim ah ku lahaayeen culuma udun badan oo ay ka mid yihiin;-Sheekh Yuusuf Alkowneyn, Sayid Maxamed C/lle Xasan , Sheekh Bashiir,Sheekh Xasan Barsane,Sheekh Daa’uud Culusoow iyo kuwo kale.

Macallinka ayaa ahaa xubinta ugu firfircoon ama ugu muhiimsan bulshada Soomaaliya,isagoo kaalintiisa matalaadda lagu tilmaamo Aaabaha labaad ee xagga tarbiyeynta ubadka,waxaana aqoonta kala duwan e ay lahaayeen macalimiinta Soomaaliyeed ee xilligaa , lagu tilmaamay in ay gaarsiisneyd heerarka  Jaamacadaha Al-azhar(Nasar) iyo tan Sacuugiga ee Umul Quraa .

WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII GUMEYSIGA

Laga soo bilaabo sanadkii 1884-tii oo aheyd markii Gumeysigii reer yurub,gaar ahaan dalalka Ingiriiska,Faransiiska iyo Talyaaniga ay  qaybsadeen dhlka Soomaaliya,waxaa Jabuuti,Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka bilowday waxbarasho kooban oo ujeedada laga lahaa ay aheyd sidii loo heli lahaa dad tarjubaannno ah oo isku xira gumeysiga iyo bulshada,si loo meelmariyo damaca been abuurka ah ee ay lahaayeen dalalka reer Yurub iyo hadafka ay ka lahaayeen xeebaha badda cas,Hindiya iyo tan medetereniyamka.

Dalalkii reer Yurub ee qabsaday Geeska Afrika,waxa ay deegaanada Jabuuti,Woqooyi Galbeed iyo Koonfurta Sooomaaliya ka bilaabeen dhismaha dugsiyo ku dhexyaal Kaniisado oo ay maamulaan wadaado Kirishtaan ah,si loo helo caruur lagu barbaaryay diintooda iyo kuwo u qidmeeya gumeysiga,waxaana aalaaba goobahaasi waxbarasho la geyn jiray ubadka ay dhalaan shaqaalaha dalalkaasi iyo ilmaha  darbiyo jiifka ah ee aan laheyn meel ay u ciirsadaan.

Mashaa’iikh fara badan oo taagero ka heysta dadka Soomaaliyeed ayaa u istaagay in ay ka hortagaan qorshaha gumeysiga ee uu ku donaayey in uu ku helo caruur badan oo raacsan diinta Kirishtaanka,waxaana qaar ka mid ah ay kala horyimaadeen dagaal toos ah oo ay la galeen gumeysigii Faransiiska,Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida kadib, caalamka waxaa soo maray ama soo ku dhuftay  dabeyl caafimaad oo wadata xoriyad,taasoo qasabtay in dalalka Yurub  ay la soo baxaan xeelado cusub oo lagu yareynaayo cadaadiska ay ku hayeen dadka la gumeysto,waxayna hirgaliyeen Mac-hadyo iyo goobo waxbarasho oo ay ku aflaxeen dhallinyaro badan oo Soomaali ah.sida dugsiyada Camuud iyo Sheekh oo ku yiillay gobolada Woqooyi iyo kuwo dhaca gobolada Koonfureed ee gumeysiga Talyaania ay ka hirgaliyeen Banaadir,Marka,Jowhar,Kismayo,Hiiraan,Beydhabo iyo kuwo kale.

Dadka fara ku tiriska ah ee laga dhaxlay aqoonta maadigga ah ,isla markaana wax bartay xilligii gumeysiga,loona aqoonsaday aabayaasha waxbarashada waxaa ka mid ah;Max’uud Axmed Cali oo ka soo jeeda gobolka Woqooyi galbeed iyo Macallin Jaamac Bilaal oo Koonfurta ah,kuwaas oo dalka ku baahiyey tacliinta casriga ah ee haatan lagu dhigto dugsiyada dalka.

W/Qoray

Shire Xasan Kulmiye

La soco qeybta 2-aad

LEAVE A REPLY