Ciidanka ammaanka oo Gacanta ku soo dhigay xubin Ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

Ciidanka ammaanka oo Gacanta ku soo dhigay xubin Ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

460
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir ayaa how-gal qorsheysan kusoo qabtay xubin ka tirsan amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli uu ku dhuumaaleysanayay qaybo ka mid ah Degmada Heli-waa.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka nabad sugidda iyo sir doonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howl-galkan uu dhacay 13-kii Bishan oo Xalay ahayd, kaas oo ahaa mid si gaar ah loogu  bartilmaameedsanayay horjoogahan.

“Ciidamada amniga ayaa xubin amniyaad-ka Al-Shabab ah kusoo qabtay howl-gal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa Habeennimadii Jimcaha ee ay Taariikhdu ahayd 13-ka Sabtember, 2018, howl-galka cidi wax kuma noqon.” ayaa lagu yiri warka NISA.

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka  Soomaaliyeed ayaa Shacabka ka codsaday in haddii ay helaan xog ku saabsan Al-Shabaab ay lasoo xiriiraan halka ugu dhow ee ay ku sugan yihiin Ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa wada dedaallo xooggan oo lagu laba jibbaarayo sugidda nabad gelyada Dalka iyo la dagaallanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY