Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka.(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka.(Sawirro)

365
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka.

Shirkan oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa Dadka ay Biyo la’aantu saameysay ee Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo  iyo Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane C/llaahi Xaamud Maxamed.

Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka caawiya Mashaariic badan oo la xiriirta dhinaca Bini’aaddannimada, wuxuuna sidoo kale kaalin mug leh kaga jiraa kabka Miisaaniyadda Soomaaliya.