Mareykanka oo u hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka

 Mareykanka oo u hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka

773
0
SHARE

Mareykanka ayaa ku hanjabay in uu cunaqabateyn saarayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka,haddii ay isku daydo in ay sii waddo in ay dacwad ku soo oogto dadka Ameerikaanka ah.

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ayaa iminka ka baaraandegeysa in ay dacwad ku soo oogto shaqaale Mareykan ah oo loo heysto in ay falal anshax xumo ah, jirdil iyo heysasho  ku fuliyeen dad reer Afganistan ah.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ninka lagu magacaabo John Bolton,ayaa ugu yeeray Maxkamaddaasi mid sharci darro ah,wuxuuna wacad ku maray in dalkiisu uu qaadi doono wax kasta oo lagu ilaalinaayo muwaadiniintooda.

Mareykanka ayaa ka mid ah wadamo badan oo dadkooda lagu helay in ay dambiyo ka geysteen dalka Afganistan,sanadkii 2002-dii.

LEAVE A REPLY