Saraakiil  Mareykan ah oo qabtay kulan qarsoodi ah oo lagu Afgambinaayo Madaxweynaha...

Saraakiil  Mareykan ah oo qabtay kulan qarsoodi ah oo lagu Afgambinaayo Madaxweynaha Venezuela

383
0
SHARE

Saraakiiil ka socda maamulka Madaxweyne Doland Tump,ayaa kulamo qarsoodi ah la yeeshay saraakiil ciidan oo ka tirsan dalka Venezuela ,kuwaas oo ka wadahadlay sidii meesha looga saari lahaa ama loo raacdeyn lahaa madaxweynaha dalkaasi Nicolas Maduro.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in saraakiil aan la magacaabin ay la kulmeen Taliyihii hore ee Ciidamada dalka Venezuela,,hasa yeeshee  maamulka Washington  ayaa go’aamiyay in ay ka horjeedaan taageerada Afgambi ka dhaca dalkaasi.

Maamulka Aqalka Cad ayaa ka gaabsaday in ay jawaab ka bixiyaan su’aalaha la xiriira kulanka saraakiisha labada dhinac,sida ay ku warantay Wargeyska Times.

21-kii bishii May,oo ah markii Madaxweynaha  Venezuela uu ku guuleystay doorashooyinka,maamulka Donald Trumo,waxa uu culeys dhaqaale iyo mid siyaasadeed uu  saaray dowladda  Madurro. .

Taliyaha ciidamada dalka Venezuela ,waxa uu ka mid yahay saraakiisha ku jira liiska madow ee ay diiwaangeliyeen maamulka  Washingtong.

LEAVE A REPLY