Ra”iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka”Xoolaha waa lafdhabarka Ganacsiga Dalkeena”

Ra”iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka”Xoolaha waa lafdhabarka Ganacsiga Dalkeena”

305
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Xoolaha ay yihiin lafdhabarka ganacsiga Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay waajib tahay sidii loo hormarin lahaa ganacsiga iyo sare u qaadista habka dhoofinta xoolaha Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in xoolaha ay leeyihiin waxtar badan marka loo eego ka ganacsigooda oo kaalin weyn ka qaadan kara sare u qaadista dhaqaalaha dalka.

“Xoolaha waa lafdhabarka ganacsiga dalkeena horeyna wuu u ahaa haddana wuu yahay, waxaan u baahanahay sidii aanu ugu fikmiri laheyn inan waxbadan ka badalno habka dhoofinteena, sidoo kale waa inan xoojinaa maxjaradeena oo aan dhiira gelinaa kawaanadeena, marka waxaa loo baahanyahay siyaasadii waxaasi oo dhan lagu hagi lahaa, wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaana Xukuumadda uga wakiil ah”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan dhaqaale kale oo laga faaiideysan karo, kuwaas oo uu ku sheegay iney kamid yihiin Beeraha, Kaluunka, Macdanta iyo waxyaabaha kale oo badan, taas oo uu tilmaamay in hadii la mideeyo ay iskabayaan islamarkaana ay sare u qaadayaan dhaqaalaha dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad uu xilka kula wareegayey Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY