Duqeyn ay Israel ka fulisay Marinka Gaza oo lagu dilay Haweeney Uur...

Duqeyn ay Israel ka fulisay Marinka Gaza oo lagu dilay Haweeney Uur leh iyo ilmaheeda yar

351
0
SHARE

Muqdisho(SONNA);- Ugu yaraan saddex Qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jirto Haweeney Uur leh iyo Canugeeda oo dhalan 18-bilood ayaa ku dhintay Duqeyn dhanka cirka oo ay Ciidamada Israel ay ka fuliyeen Marinka GAZA,sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka dalka Falastiin.

Militariga Israel ayaa uga digay Ururka Xamaas ee ka soo horjeeda iney sii wadaan Rabshadaha,waxayna warbaahinta Israel shacabka u sheegtay iney ka baxaan goobaha u dhow Xuduuda Marinka GAZA.

Sarkaal ka tirsan Militariga Israel,ayaa sheegay in Xamaas ay fahmi doonto saacadaha soo socdo in tani aysan ahayn jihadii ay rabtay,ayna sii wadi doonaan duqeynta Marinka GAZ.

Wakaaladda Wararka ee Falastiin WAFA,oo illo xog ogaal ah soo xiganeysa ayaa ku warantay in 12-Qof oo falastiiniyiin ah ay dhaawacmeen,halka xubno ka tirsan Garabka Xamaas ee Hubeysan ay ku dhinteen weerarka.

Rasaas Isweydaarsiga Xamaas iyo Israel aya aimaanaya xilli Heshiiska Xabad joojinta ee la kala dhex dhigay Labada dhinac uu wax xoogaa horumar sameynayay.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ku dhawaad 150-Gantaal oo kaga yimid Gaza ugu yaraan 25 ka mid ah laga hortagay.

LEAVE A REPLY