Nabad diidka Alshabaab oo degmadda Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay Amar...

Nabad diidka Alshabaab oo degmadda Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay Amar ay soo saareen

623
0
SHARE

Muqdisho (SONNA), Wararka naga soo gaaraya degmadda Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyada argagixisada ah halkaasi ay ku xireen dad Shacab ah oo isugu jira rag iyo haween, kuwaasi oo ah dadka deegaanka.

Dadka la xiray, ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay Shan qof, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ay inoo sheegay in sababaha Nabad diidka Alshabaab ay u xireen dadkaasi ay tahay in ay ka dhago adeegeen Amar ka yimid Argagixisada.

Nabad diidka Alshabaab, ayaa ku amray  dadka ku nool degmadda Xarar-dheere in Caruurtooda ay ku biiriyaan Kooxda Alshabaab, si ay u askareeyaan, balse dadka deegaanka ayaa ka biyo diiday amarkaasi, waxaana taasi badalkeeda Nabad diidka ay xirxireen qaar kamid ah Waxgaradka iyo Bulshada dagmadaasi.

Lagama war hayo Xaaladda ay ku sugan yihiin Shanta qof  ee Nabad diidka Alshabaab ay xireen Lixdii Bishaan, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka ay isku dayeen in Kooxda Alshabaab ay kala hadlaan sii deynta dadkaasi, balse waxay ugu hanjabeen in iyaggana ay xiri doonaan haddii aysan faraha kala bixin arrimahaasi.

 

 

 

LEAVE A REPLY