Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom oo lagu qabtay Munaasabad Ciidanka halkaasi ku...

Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom oo lagu qabtay Munaasabad Ciidanka halkaasi ku jira lagu wacyi gelinayo “Sawirro”

763
0
SHARE

Muqdisho(SONNA), Hoggaanka wacyi gelinta iyo siyaasadda ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa caawa Barnaamijka lagu wacyi gelinayey Ciidanka ku qabtay Xarunta dugsiga tababarka ee Turki Som oo ay ku jiraan ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasi oo halkaasi tababaro ku qaadanaya.

Kooxda fanka Ciidanka Xoogga dalka ee Horseed, ayaa goobta kusoo bandhigtay Suugaan u badan guubaabo iyo dhiiragalin, iyaddoona Ciidanka  qaarkooda ay la ilmeeyeen suugaanta ka hadleysay difaaca dalka ee Hobolada Horseed ay soo bandhigeen.

Taliyaha dawladda Turkiga u qaabilsan dugsiga tababarka Ciidanka ee Turki Som general Maxamed Cabdi fitaax oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu dhiso Ciidanka xoogga dalka, isaggoona shacabka soomaaliyeed uga mahad celiyay sida ay u garan taagan yihiin ciidanka.

Madaxa Hab-maamuuska Ciidanka Xoogga dalka G/sare Axmed Maxamed Xasan, ayaa waxa uu sheegay barnaamijyada wacyi gelinta Ciidanka la kordhiyey, iyaddoo hoggaanka wacyi gelinta uu fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee ahaa in la wacyi geliyo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Saraakiisha Ciidanka dawladda Turkiga, ayaa goobta munaasabada ka dhaceysay ku guddoonsiiyay kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka bilad sharaf.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY