Xubno ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada oo Siminaar ku saabsan...

Xubno ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada oo Siminaar ku saabsan Horrumarinta Korontada iyo Biyaha uga furmay Kenya “Sawirro”

319
0
SHARE

Nairobi (SONNA), Wasiir ku xigeenka wasaaradda Korontada iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, ahna qunuslka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) ayaa magaalada Nairobi si wada jir ah uga furay siminaar ku saabsan horrumarinta Korontada iyo Biyaha Soomaaliya.

Siminaarka oo socon doono 3 maalin ayaa waxaa si wadajir ah u furay wasiir ku xigeenka korontada iyo kheyraadka biyaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

Siminaarka oo uu maal galiyay bangiga horrumarinta Afrika, ayaa waxaa ka qeygalay 25 xubnood oo ka kala socda dowladda Federaalka, wasaaradaha maamul goboleedyada ee korontada iyo biyaha iyo xubno ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgala arrimaha korontada.

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) oo kullanka furay ayaa sheegay in siminaarka uu ku soo aaday xilli baahnaa, ayna soo dhoweynayaan ka safaarad ahaan.

“Xaqiiqdii korontada waxay u tahay muhiim wax walba oo horrumar uu ku gaari karo dhaqaalaha dadka iyo dalka, hadaba kullankan waxa uu yimid xilli sax ah oo Soomaaliya ay u  baahneed in  ay soo saarto koronto ay iyadu leedahay,  marka la rabo in la helo koronto aanan go’aynin waxa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay waxa ay tahay maalin gellin joogta ah, waxaan ku faraxsanahay in waddooyinka noo furan ee dhaqaalaha aan ka heli kareyno ay ku jiraan banigyada u hoggaansan sharciga Islaamka oo naga caawin doona dhaqaalaha lagu horrumarinaayo korontada Soomaaliya. Waxaan ku rajo weynahay in kullankan ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo wax ka qaban doona korontada dalka Soomaaliya” ayuu yiri mudane Cali Bagadi” ayuu yiri Mudane Cali Bagadi

Wasiir ku xigeenka korontada iyo kheyraadka biyaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa dhankiisa ka hadlay siminaarka, isaggoo xusay in siminaarka kan xiga lagu qaban doono gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxay ku baranayaan sidii maal gashi loogu heli lahaa tamarta, iyo sidii Private Sector-ka ay uga qeyb qaadan lahaayeen, iyo waxa kaloo looga hadlayaa sida dhaqaalaha looga sameyn karo tamarta, tababarka intaas ayuu ku saabsanyahay, waxaana tababarkan uu yahay mid kii labaad oo la qabto iyadoo midkii kan ka horreeyay horay loo soo qabtay, waxaan rajeynayaa dadka ka faa’iideysta tababarka in ay dalka kula noqdaan oo ay uga faa’iideyn doonaan shaqalaha kale ee tamarta iyo biyaha” ayuu yiri Wasiir Cismaan Libaax.

 

LEAVE A REPLY