Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)

Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)

480
0
SHARE

Labo Sano ayaa ka soo wareegtay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga , kaasi oo daba socday mudaharaadyo rabshada watay oo xukuumadda dalkaasi looga soo horjeeday oo xooggiisu uu ka dhacay  magaalada Istanbuul sanadkii 2013dii, kuwaasi oo lagu magacdaray dibadbaxyadii “Gezi Park Protests”.

Xukuumadda Turkiga waxay ku eedeysay in ay ka danbeeyeen rabshadahaasi kooxda uu hogaamiyo Wadaadka  Musaafiriska ku jooga dalka Maraykanka ee Fatuhullah Gülen, islamarkaana ujeedada laga lahaa Qalalaasahan uu ahaa in hoos loogu dhigo dhibaatana lagu gaarsiiyo dhaqaalaha, amniga iyo muuqaalka dalka ee dhanka xuquuqda  bani’aadamka. Waxana xilligaas ururada udooda xuquuda aadanaha oo badankoodna laga leeyahay wadamada reer galbeedka ay ku eedeeyeen Xukuumadda Ankara in ay ku xadgudubto Xuquuqda Aadanaha.

Afgambigii dhicisoobay ee 15/07/2016 waxaa naftooda ku waayay tiro da ah oo ku dhow 300 oo qof,waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 1000 qof. Inkasta oo inqilaabku fashilmay hadana saamaynta ay dhacdadaaasi ka tagtay ayaa ah mid wax badan ka badashay aragtida dadwaynaha iyo siyaasada dalka. Waxaan shaki ku jirin in dhacdadaasi waddo cusub u jeexday hab socodka siyaasada dalka Turkiga ee Mustaqbalka.

Fashilaadda ku timid inqilaabkaasi waxay u horseeday dalka Turkiga dariiq ka duwan kii uu ku socday mudada boqolka sano ah oo ku beegan dhismihii Nidaamkii Jamhuuriyadddii Turkiga ee aasaasideeda uu lahaa“Mustafa Kamaaludiin Ata Turki”.

dhacdada Muhiimka ah ee ka dhalatay inqilaabkaasi fashilmay  waa meel marinta is badalada dastuurka dalkaasi lagu sameeyay, waxaana marag madoonto ah in muwaadiniinta turkigu 51% ay sababtaas darteed ku ogolaadeen isbadalkaas, kaasi oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxwaynahya jamhuuriyada Turkiga  si loo helo hogaamiye awood leh oo dalka Turkiga ka  ilaaliya  Khatar soo wajahda Qaranimada iyo ku dhaqanka Dimoqoraadiyadda.

Afgambiga fashilmay kadib waxaa suurtagashay in hayadaha dawladda laga sifeeyo taageerayaasha  Wadaadka Fatuhullah Gülen ,waxaana xabsiga la dhigay dad gaaraya 50,000 oo oo isugu jira Millatari,Booliis, Garsoorayaal iyo Shaqaale rayid ah, way adkaan lahayd in kooxdaan laga nadiifiyo hayadaha dawladda haduusan iskudayga inqilaab dhici lahayn.

Tallaabadaan Xirxiridda iyo dalkoo lagu soo rogay xaalad dagdag ah “State of Emergency” ayaa keentay cambaaraynta ururo iyo dawlado reer galbeeda ah, kuwaasoo ku eedeeyay xukuumadda Ankara in inqilaabka kadib doonayso  in ay meesha kasaarto cid kasta oo ka hortimaada siyaasada madaxwayne Erdogan iyo xisbigiisa.

Turkiga wuxuu ku yaalaa gobol gubanaya oo ay ka sosdaan dagaallo wajiyo badan leh sida kan ka socda dalka Suuriya mudada todobada sano ah, kaasi oo dalka Turkiga Saamayn dhinac walba ah ku yeeshay

Dalka Turkigu meesha uu juqraafi ahaan ku yaal, taaariikhda dheer ee gobolka ku leeyahay, awoodiisa dhaqaale iyo tan Milatari waxaa lagama maarmaan ah in uu  door wayn ku yeesho   xallinta dhibaatooyinka gobolka, si taasi loo helana waa in marka hore Turkigu arimihiisa gudaha xal waara u helo ayna ka mid yihiin xaaladaha ka dhashay isku daygii inqilaab ee dhicisoobay.

Maadaama muddo labo sano ah ay kasoo wareegtay inqilaabka fashilmay ee Turkiga ayaa waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo ay shacbiga Turkiga  ka qabaan hoggaamiyahooda Racep Dayib Ordagaan oo 24/06/2018, si aqlabiyad ah loo doortay in uu dalkaasi u hoggaamiyo dhinaca horumarka iyo sidii uu kaga tallaabsan lahaa dabinada faraha badan ee loo maleegayo.

W/Q:- Abukar Gobdoon

 

 

LEAVE A REPLY