Madaxweynaha Eretrea Isayas Afwerki oo gaaray Ethopia

Madaxweynaha Eretrea Isayas Afwerki oo gaaray Ethopia

285
0
SHARE

Itoobiya(SONNA) R/waaaraaha dalka Ethopia Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis ababa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Eretrea Isayas Afwerku oo boqasho 3-cisho ah ku tagay dalkaasi..

Madaxweynaha Eretrea oo dalkaasi loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah ayaa la filayaa in mudada uu joogo Adis ababa uu ka qeybgalo xaflad dib loogu furaaayo Safaaradda Eretrea ee Ethopia,isagoo booqanaya goobaha ganacsiga ee Hawasa Park.

Booqashadaan ayaa la rumeysan yahay in ay xoojineyso dadaalka nabadeed ee u bilowday labadaasi dal,waxaana soo dhoweynta madaxweynaha dalka Eretrea maanta ka qeybgalay dad aad u fara badan.

Tallaabada booqashada ee uu qaaday madaxwwyne Isayas Afawerki ayaa imaneysa,kadib kolkii R//wasaaraha Ethopia Mr.Abiy uu todobaadkii hore booqday dalka Eretrea .

 

 

LEAVE A REPLY