Haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali ah oo iyadoo xijaaban Norway ka bilowday...

Haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali ah oo iyadoo xijaaban Norway ka bilowday wadidda Tagsi. +sawirro

363
0
SHARE

Muqdisho(SONNA) Shukri Ahmed oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo iyadoo xijaaban Taxi ku kaxeysa Woqooyiga Norway , Shukri ayaa kusoo biirtay shaqada kaxeynta Takaasida iyadoo hadda la shaqeysa shirkadda Din Taxi oo kamid ah shirkadaha Takaasida ee ku yaalla magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway.

Shurkri ayaa sheegtay in shaqadan ay tahay mid ay ku haminaysay islamarkaana ay ka go’antahay inay sii wado iyadoo ku dhiiragelisay dumarka Soomaaliyeed inay iyaguna garab ku siiyaan howsheeda oo ay ku dhiiradaan inay kusoo biiraan shaqada wadista takaasida taasoo ay ku kalsoontahay in dumar badan ay qaban karaan waxa ay raggu qabtaan iyagoo dhowraya dhaqanka iyo diinta.

Soomaalida kunool qurbaha ayaa ah kuwo ka xamaasha xirfado kaladuwan,dalka Norwayna wuxuu kamid yahay wadamada ay kunool yihiin Soomaalida,kuwaasi oo ka shaqeysta xirfado kaladuwan,balse waa arrin cusub haweenka tagaasida ku dhexwada dalkaasi.

LEAVE A REPLY