Madaxweynaha Eritrea oo booqanaya Itoobiya

Madaxweynaha Eritrea oo booqanaya Itoobiya

198
0
SHARE

Itoobiya(SONNA) Qaban qabao ku aadan soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Eritrea ayaa ka socota garoonka diyaaradaha magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya,halkaasi oo ay kusugan yihiin madaxd adalkaasi.

Xukuumadda Addis-Ababa  ayaa shaacisay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu saaka booqasho ku tagayo magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Itoobiya,taasi oo u muuqataa in ay qeyb ka tahay dib u soo celinta xiriirkii labadaasi dal u dhexeeyay oo meesha ka maqnaa muddo ka badan 20 sano.

Booqashadiisa ayaa ka dambeysay kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay raiisul wasaaraha dalka Itoobiya  Abiy Axmed,kaasi oo dhawaan booqday dalka Eritrea.

Xidhiidhka labada dal oo hore col u ahaa, ayaa si lama filaan ah isku bedelay ka dib markii Itoobiya sheegtay in ay aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta ay isku hayaan laga gaadhay iyo booqasho iyadna uu ku tagay Abiy Axmed dalkaas, halkaas oo ay labada dal ku sheegeen in boggii colaadeed ee dhex yaallay labaataneeyaha sano ay laabeen.

Shacab aad u farabadan ayaa lagu arkayay goobta ay ka socoto munaasabadda soo dhaweynta,iyadoo ay ruxayaan caleemo qooyan oo qeyb ka ah hammaamuuska soo dhaweynta wafdigaasi.

Caalamka ayaa siweyn u soo dhaweeyey talaabada uu qaadayo raiiusl wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya,kaasi oo booqday qaar kamid ah wadamada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto iyo dalka Masar oo xiriir uu kala dhexeeyo.

LEAVE A REPLY