Shacabka Galmudug oo soo dhaweeyey xalka laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee madaxda...

Shacabka Galmudug oo soo dhaweeyey xalka laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee madaxda maamulkaasi

246
0
SHARE

Galmudug(SONNA) Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, ayaa si niyad sami leh u soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaareen dhinacyada isku maandhaafsanaa arrimaha maamulkaas.

Mudadii uu jirey is-faham waaga, ayaa waxaa la soo wariyay in shaqooyinkii dowlad goboleedka Galmudug ay istaageen intooda badan maadaama ay kala aragti duwanaansho soo kala dhexgashay madaxda maamulkaas oo u kala jabay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Dadaalo, ay sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa guul ku dhamaaday markii labada dhinac ay is-faham buuxa gaareen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY