Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hogaaminayo...

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garbahaareey

741
0
SHARE

Garbahaareey (SONNA) – Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinka dambe gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Wafdiga taliyaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha Guutada Tobnaad ee xoogga dalka, Maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada, isagoo salaan sharaf ka qatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Guutada Tobnaad ee Xoogga Dalka Maxamed Cali Caddow ayaa uga warbixiyay taliyaha cusub xaaladda ay ku suganyihiin ciidmada, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta taliyaha.

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka ee ka howgalla Jubbooyinka iyo Gedo Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad kooban ayaa sheegay in uu u yimid sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda ciidanka ee ka howlgall Jubooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland, isla markaana uu soo booqan doono dhamaan goobaha ay ciidamada ku suganyihiin.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in uu xilka si rasmi ah ula wareego taliya cusub.

LEAVE A REPLY