Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo sheegay in lasii daayay dhammaan Maxaabiistii ku xirnayd...

Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo sheegay in lasii daayay dhammaan Maxaabiistii ku xirnayd Xabsiyada waaweyn ee Killilka 5aad

244
0
SHARE

Jigjiga-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad degaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuusan jiri doonin wixii hadda ka dambeeya Hal Qof oo sii xirnaan doona Maamulka.

Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlayay xarunta Baarlamanka ee DDI ayaa intaa ku daray iney qaateen go’aankii uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Liiska argagixisada kaga saaray Saddexda Jabhadood ee ONLF, OLF iyo Gimbood 7, isla markaana amray in la sii daayo Dadkii  u xirnaa arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Cumar ayaa sheegay inay xabsiyada waaweyn u beddeli doonaan xarumo Dadka uu ku manaafacaadsado sida Masajiddo, Cuspitaallo, Iskuullo IWM, dhaqaalihii ku bixi jiray haynta Maxaabiistana ay u weecin doonaan dhinaca horumarka.

Tallaabadan ayaa timid markii uu Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali uu ku dhawaaqay dhawaan in lasii daayo dhammaan Maxaabiistii ku jirtay Xabsiyada waaweyn  ee Dalkaasi, isagoo taa beddelkeedana ka hirgeliyay Dalka furfurnaan iyo isu soo dhowaasho siyaasadeed.

LEAVE A REPLY