Shir looga hadlayey Ganacsiga Soomaaliya oo ka furmay magaaladda Muqdisho “Sawirro”

Shir looga hadlayey Ganacsiga Soomaaliya oo ka furmay magaaladda Muqdisho “Sawirro”

413
0
SHARE

Mudisho (SONNA), Shirkaan looga hadlayey siddii ganacsiga Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa oo uu daah furey wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey in ka badan 150 Shirkadood, iskugu jira ganacsiyada beerlayda kaluumeysatada iyo kuwo leh warshadaha yar yar  iyo ganacsato u dhalatay dalka talyaaniga oo soomaalia u yimid siddii ay  maagashi uga sameysan lahaayeen.

Safiirka dowlada talyaaniga soomaalia u fadhiya Danjire Carlo Campalina oo ka qeyb galay shirkaasi, ayaa sheegey in  labada dowladood inuu u dhexeeyo ganacsi fog oo soo jireen ah.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Mudane  Maxamuud C/kariin Gabeyre, ayaa  sharaxay ganacsatada shirkaan ka qeyb galeysa iyo ganacsatada ka yimid dalkaasi talyaaniga iyo waxey ka badali karaan ganacsiga soomaalia.

Qaarka mid ah ka ganacsatadii kulankaan ka qeyb gashey oo aan makarafoonka warbaahinta dowlada la dhex qaadnay ayaa sheegey maalgashi in Soomaaliya ay ka sameystaan ganacsatada shisheeye in ay sababeyso isbadalada hormarineed ee uu dalku cagta saarey.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo furey kulankaan oo soconaaya labo maalmood, ayaa sheegay in  muhiim ay tahay  koboca dhaqaalaha dalka iyo Soomaaliya la maalgashi lagu sameeysto.

 

 

LEAVE A REPLY