Allaha u naxariistee Dr. Food Cadde oo ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

Allaha u naxariistee Dr. Food Cadde oo ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

214
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Allaha u naxariistee waxaa saaka Magaalada Nairobi ku geeriyooday Dr. Food Cadde oo ahaa Dhaqtarkii Wadnaha ee Cisbitaalka Digfeer.

Marxuum Axmed Maxamed Hassan wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 1938, wuxuu Dugsiga Hoose, dhexe iyo Sare ku bartay magalada Muqdisho, wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacad ku taala Talyaniga, isagoo ka mid ahaa dhaqaatiirtii ugu horeysay Soomaalida, wuxuuna ku taqasusay cudurada Wadnaha.

Wuxuu ahaa Xoghayihii Laanqeerta Cas  iyo Bisha Cas wuxuu sidoo kale ka mid ahaa  International Committee ee ICRC wuxuuna ahaa Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY