Wasiirka Amniga XFS oo Xilka ka qaaday Afhayeenkii Wasaaradaasi

Wasiirka Amniga XFS oo Xilka ka qaaday Afhayeenkii Wasaaradaasi

319
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Digreeto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa xilka looga qaaday Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan), waxaana ay u qorneyd sidan:

“Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha isagoo tixgelinayo qodobka 102-aad Faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG wuxuu xilkii Afhayeenimo ka qaaday Mudanaha Magaciisa kor ku xusan yahay, Hadana wixii Warbixin Wasaaradda Amniga Gudaha ku aadan waxaa bixin karo oo kali ah Wasiirka Wasaaradda iyo Wasiirka Warfaafinta oo xilkiisa ku abaaran yahay inuu la wadaago wixii xog ah Shacabka Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin Xukuumadooda”.

LEAVE A REPLY