Madaxweyne Ordugan oo bilaabay isbedelkiisa siyaasadeed

Madaxweyne Ordugan oo bilaabay isbedelkiisa siyaasadeed

621
0
SHARE

Turkey(SONNA) Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha  wadanka Turkiga ayaa Wasiirka maaliyadda dowladdiisa u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay,taasi oo qeyb ka ah talaabooyinka cusub ee uu qaaday.

Berat Albayrak  ayaa ah wasiirka cusub ee Maaliyadda Turkiga,waxaana magacabistiisa kadib la sheegay in lacagta Turkiga ee lira ay boqolkiiba labo qiimeheedu hoos u dhacay.

Madaxweynaha wadanka Turkiga Mr Erdogan ayaa dowladiisa cusub shaaciyay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagadiisa saree ee cusub,kadib munaasabad ballaaran oo ay ka qeybgaleen hogaamiyaal ka kala socda daafaha caalamka.

Isbedeladan siyaasadeed ayaa waxaa lafilayaa in ay soo afjaraan nidaamkii baarlamaaniga ahaa,kaasi oo la aas aasey 5 sano ka hor.

Madaxweyne Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

LEAVE A REPLY