Taxahana Taariiklhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (Maqaal)

Taxahana Taariiklhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (Maqaal)

345
0
SHARE

Soomaalidu Caado ma ahan Dad la gumeysan karo, waana kuwa Jecel Dhaqdhaqaqyada Xoriyad Doonka ee Dalka ka jiray ayaa hadana Sannadkii 1960-kii waxaa xoogeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Dhaqdhaaqyada Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay dhulka Somaalidu degto, dhaqdhaaqasi waxaa uu mid si aad ah uga socday Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Dalkeena.

26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960-kii, iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya, waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaasi.

Maalintan oo kale waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh Ummada Soomaaliyeed, Islamarkaaisna waxay ahayd maalin ay niyada shacabka Soomaaliyeed gashay dareen farxadeed oo sida ciidda oo kale loogu dabaal dagay soo dhaweynta Calanka Jamuuriyada Soomaaliya Markii ugu horreysay laga dultaago Dhulka Soomaaliya, taasi waxay dhalisay aragti guud in Ummada Soomaaliyeed hankii ay waday Muddo Todbaan Sanno ah, iyadoo ku taameysay in Mar uun la arko dhul Soomaaliyeed oo Xor ah.

Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacade wuxuu ka mid ahaa xilligaasi dadkii u soo halgamay, islmarkaana halganka Xorriyada u soo dhibaatooday iyo kuwa laabta ka taageersanaa ee taageerada La garabtaagnaa, kuwaasi oo damacoodu ahaa in mar uun ay naceewda Xorriyadda ay soo iftiimiso Geyiga Soomaaliyeed, waa tii C/laahi Suldaan Timacadde ka tiriyay Gabay dheer Calan saarkii lagu qabtay Fagaaraha Hargeysa, wuuna lahaa “aan siduu yahay eegnee kaasna siib kan saar”.

Guusha ay xoriyada ka gaartay Soomaalida waxaa ay soo martay Marxalado kala duwan waxaana ugu cadcadaa 13 dhalinyaro ee dhisay Ururkii SYL, waxaanse marnaba aysan Taariikhdu Iloobi doonin Halagamayashii kale sida Sayid Maxamed C/dulle Xasan, Axmed Gurey, Xaawo Taako iyo kuwo kale oo taariikh iyo xusuus dheer ku leh Taariikhda Dalkeena Soomaaliya Marka laha hadlayo Taariikhada halganka Soomaaliyeed.

Gobolada Koonufreed ee Dalka waxay weli ku sii jireen Gacanta Gumeystaha Talyaaniga oo Markaasi maamulayay Hase ahaatee Maalmo badan kama soo wareegin Markii Gumeystaha Talyaanigu uu isaguna wareejiyay maaamulka Koonfurta Dalka Soomaaliya taasi oo ku aadaneyd 1-da Luulyo 1960-kii taasi oo ahayd Afar maalmood ka dib markii Naceewda Xorriyadda laga dareemay Gobolada Waqooyi ee Dalkeena.

Maalinta 1-da Luulyo waxaa iyana loo dabaldagay Midowga Gobolada waqoyiga iyo Koonufrta Dalka Soomaaliya kuwaasi oo noqday Jamuuriyada Dimuquraadiga Soomaaliya
Inay isku biiraan Gobolada waqoyiga Dalka Iyo Kuunfurta Dalka waxay ahayd Figrad ka timid Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyagoo wada Calankii Soomaaaliyana ay tageen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaaliya waxaana Halkaas lagu dhisay Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah waxaana Madaxweyne ka noqday AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) iyadoo uu raiisul wasaare ka noqday AHN C/rashiid Cali Sharmaarke Dhismahaasi Dowladeed waxaa uu salka u dhigay Nimaadka Dowladeed ee ka hirgalay soomaaliya Waa kan Barkhad Cali Saalax oo Xusuusta Dib noogu bidhaamin Doona
AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) markii uu qabtay talada Dalka waxaa uu bilaabay Qorshayaal lagu horumarinayo wadanka Bacdamaa aysan Jirin Kaabayaal dhaqaale oo uu dalku lahaa waayo dalku waxaa uu ka soo kabanayay Raadadkii Gumeystaha uu ku reebay.

Haddaba waxaa xusas lagu weyneynayo Arrintaasi ka dhaceen Goobo badan oo ka kala yaalla Dalka gudahiisa iyo dibaddiisab, iyadoo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.

Madaxweynaha oo Xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.”, wuxuuna sidoo kale ku ammaanay shacabka Gobollada Waqooyi kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ku lahaayeen gobonnimo doonkii iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qabyaaladda iyo daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo waddaniyad iyo wadajir.

Waxaa loo baahan yahay in isku duubnidii lagu helay Xorriyadda aan hadda heysano oo kale mar kale loo midoobo, islmarkaana la iska dhaafo laab-la kaca aan sii jiri doonin, waayo Soomaalidu waa mid, wadajirkeedana waa muqadas lama taabtaan ah, marka waxaan leeyahay aan wada jirno walaalayaal, gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

W.D: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY