Masar oo xagga amniga kaga hormartay Ingiriiska iyo Mareykanka.

Masar oo xagga amniga kaga hormartay Ingiriiska iyo Mareykanka.

634
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Warbxin Sanadeed ay soo saartay hey’adda nabada iyo kala dambeynta adduunka ayaa lagu sheegay in dalka Masar uu noqday dalka keliya ee Qaaradda afrika ugu ammaanka sugan, iyadoo kaga hormartay Wadamada waaweyn sida Ingiriiska iyo Mareykanka.

Hey’addan ayaa warbxinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in qiyaas lagu sameeyay sida dalalka adduunka ay xagga ammaanka ugu horumarsan yihiin ayaa lagu sheegay in Masar ay keentay 88 dhibcood waxayna la siman tahay dalal ay kala yihiin Demmark Slovenia iyo China.

Warku wuxuu intaa ku daray in warbixinta ay soo saartay hey’adda nabada iyo kala dambeynta aduunka kuna sameysay 135 Dowladood ay Masar qiimaeyntaasi xagga sugnaanta nabadgelyada ah ka gashay kaalinta 16 aad ,halka dalka Ingiriiska uu galay kaalinta 21- aad iyadoo Dalka Mareykankana uu ka galay qiimeyntaasi kaalinta 35-aad.

Sida laga xusay Warbxintaasi dalka Singabuur waxay qiimeyntaasi ka gashay kaalinta kowaad wuxuuna noqday dalka aduunka ugu nabadgelyada fiican, halka dalka Venezwella uu noqday dalka aduunka ugu khtarsan xagga nabadgelyada., waxaana ku xigaanka dalka Suudaanta Koonfureed.

Mudadii uu xilka hayay Madaxweynaha Masar Abdulfatah Alsiis oo xukunka kala wareegay Madaxweynihii isaga ka horeeyay Mahamed Mursi ayay warbxintu ku sheegtay in muwaadiniinta dalkaasi ay soo gashay neecawday nabadgelyada iyo cabsi la’aan inay wadankooda ugu noolaadaan, wallow kooxo hubeysan oo xaqjir ah ay mararka qaar ay si dhuumaaleysi ah fal amaanka lid ku ah ugu sameeyeen saharaha siinay ee dalka Masar.

Dhanka kale Ruwanda ayaa noqotay dalka ugu ammaanka badan Afrika markay habeen noqoto, 88% dadku waxay sheegeen in ay dareen la’aan socon karaan habeenkii.

Warbixintan oo ah mid sannadle ah ayay hay,adu shirkaddu ku eegtaa dareenka ammaanka qofeed iyo khibradda ay u leeyihiin dambiga iyo laamaha sharci fulinta.

LEAVE A REPLY