Ciidanka AMISOM oo deeq gargaar ah gaarsiiyey qoysas uu  saameeyey Fataahada Wabiga...

Ciidanka AMISOM oo deeq gargaar ah gaarsiiyey qoysas uu  saameeyey Fataahada Wabiga Shabeelle “Sawirro”

262
0
SHARE

Muqdisho (SONNA), Deeqdaan oo ka timid Madaxweynaha Dawladda Uganda Mudane Yoweri Museveni, ayaa waxaa la gaarsiiyey qoysas dan yar ah oo ku nool deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo ay saameysay fataahaadii Wabiga shabeelle uu sameeyey.

Ciidanka AMISOM, gaar ahaan Sector One, ayaa loo marsiiyey Deeqdaan inay gaarsiiyaan Deegaanka Golweyn, waxaana loogu talo galay in afur ay ka dhigtaan dadka danyarta ah ee deegaankaasi ku nool.

deeqdaan, ayaa waxay ka kooban tahay Raashiin kala duwan sida Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan.

Marka laga yimmaaddo la dagaallanka kooxaha Argagixisada ee geeska Afrika, Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha.

LEAVE A REPLY