Afar dal carbeed oo Kaalmo lacageed u fidiyay Boqortooyada Urdun.

Afar dal carbeed oo Kaalmo lacageed u fidiyay Boqortooyada Urdun.

448
0
SHARE

Makah(SONNA)- kadib marki magaalada barakeysan ee Makkah laga soo gabgabeeyay shir afar geesood ahaa oo lagu taageerayay dhaqaale xumida la sheegy inay la soo gudbonaatay Boqortooyada Urdun ayaa waxa ay ka qeyb galayaashi shirkaasi ugu deeqeen dalka Urdun lacag gaaraysa 2.5 bilyan oo dollar(Laba bilyan iyo Shan boqol milyoon oo Doollar) oo lagu kabayo dhaqaalaha musulafay ee dalkaasi.

Lacagtaasi kaalmada ah loo fidiyay Boqortooyada Urdun ayaa ah mid ay wax kaga qabanayso kabidda miisaaniyadeeda iyo dhibiitada kale ee dhaqaale oo sanadahan dambe la soo gudboonaaday dalkaasi carbeed, waxaana gaba gabadii shirkaasi afar geesdka ah oo lagu kaalmaynayay Boqortooyada Urdun oo ka dhacay magaalada Makah,ka qeyb galay Boqorka Sacuudiga,Boqorka Urdun,Amiirka Kuweyt iyo ku xigeenka Madaxweynaha Umaaraadka Carabra sheikh Mohamed Bin Zaid.

Bayaan laga soo saaray gabagabadii shirkaasi ay ku kulmeen afartaasi hogaamiye Carbeed ayaa waxaa lagu xusyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya dalalkooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin Taageerida wadamada kale ee Carbeed iyo guud ahaanba kuwa islaamka siiba marka ay la soo gudboonaato duruuf caykaan oo kale ah, mid dhaqaale, mid dabeecaddu keentay iyo qaar banai’aadamka naftiisa abuuray.

Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Bin Alxuseyn ayaa uga mahadceliyay madaxda afartaasi dal Carbeed kaalmada ay u fidiyeen dalkiisa, wuuxuuna si gaar ah uga mahadnaqay Boqorka Sacuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcasiis gargaarkaasi lacageed oo ay ku kabeen dhaqaalaha dalkiisa.

Dhanka kale Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweesay go’aanada ay madaxda afartaasi dal ku gaareen magaalada Makkah oo lagu taageeray dhaqaalaha musalufay ee Boqortooyada Urdun.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ahmed Abul qeyd ayaa go’aanada ka soo baxay shirkaasi afar geesodka ah ku tilmaamay mid soo xoojinaya midnimada Carbeed, isagoo soo dhaweeyay dadaalka ay boqortooyada Sacuudiga ka geysatay u gargaarida dalka Urdun iyo guud ahaan kan Ummadda islaamka.

LEAVE A REPLY