Miino ay ku aaseen Kooxda Al-shabaab Waddada Buula-burte oo la fashiliyay

Miino ay ku aaseen Kooxda Al-shabaab Waddada Buula-burte oo la fashiliyay

359
0
SHARE

Buulo-burte(SONNA)–Miino nooca dhulka lagu aasa ah oo ay dhigeen Kooxda al-shabaab meel u dhaxeysa Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buule Burte ayaa la fishiliyay, kadib na si nabadgalyo ah loo qarxiyay.

Taliyaha ciidanka nabad sugidda Degmada Buule Burte Cusmaan Cabdi Waasuge ayaa sheegay in ay kooxdaasi ay damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan dadka iyo duunyada mara wadadaasi, balse nasiib wanaag waa la arkay wana laga hortay, iyadoo isla goobtaasina lagu qarxiyay.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrintaasi kadib ay sameeyeen howlgallo, islmarkaana lagu soo qab-qabtay Dad lagu tuhunsan yahay inay falkaasi ka dambeeyeen oo tiradoodu dhan tahay 3 Ruux, isagoo xusay in haatan baaris lagu hayo.

Taliyaha waxa uu intaasi raaciyay in howlgallo ballaaran ay Ciidamadu ka sameeyeen dhowr tuulo oo hoos yimaada Degmada Buulo Burte, oo ay ka mid ahaayeen Beero yabaal, Weylo wad, iyo Caad Bashiir, kuwaasi oo laga soo qabtay Dadka lagu tuhunsan yahay inay falkaasi ka dambeeyeem.

Cusmaan Cabdi Waasuge oo la hadlayay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in Kooxaha nabad-diidku ay mar walba la maagan yihiin dhibaateyn isugu jirta dil, dhac hantiyadeed iyo qaraxyo, wuxuuna ugu dambeyntii u mahadceliyay Shacabka oo aan la ‘aantood aysan suurtogasheen in la fashiliyo Qaraxyada iyo dibindaabyooyinka kaleba.

LEAVE A REPLY