Duqeymo Cirka ah oo ka soconaya magaalada Al Xudeyda ee Yeman

Duqeymo Cirka ah oo ka soconaya magaalada Al Xudeyda ee Yeman

233
0
SHARE

Yemen(SONNA) Wararka laga helayo Yemen ayaa sheegaya in Ciidamada  uu taageero isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay Weerar dhinaca Cirka ah ku qaadeen Magaalo xeebeedka Al Xudeyda oo ay maamulaan Kooxda Xuutiyiinta.

Dagaalkaan  waxa uu ka dhigan yahay kii ugu weynaa muddo 3 sano ah oo dhexmara Isbaheysiga iyo Xuutiyiinta taageerada ka heysta Iiraan.

Waxaa lagu tiriyaa  Dekada Magaalada isha ugu muhiimsan  oo ay kusoo xirtaan Shixnadaha iyo gargaarka ka yimaada dalalka Carabta iyo Yurub, sidoo kale waa xarunta Ganacsiga ee Yemen.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in dagaalka ay ku barakacaan  ku dhowaad rubac Milyan u dhashay Yemen oo ku nool Xudeyda.

Dagaalka Yemen ayaa gaaray meel xun, markii uu kusoo biiray  Sacuudiga iyo Isbaheysiga uu hogaaminayo 2015 si ay u hakiyaan Kooxda Xuutiyiinta oo la wareegay Caasimada Sanca.

Sacuudiga  ayaa taageeraya Xukuumadda Cabdi Rabah Mansuur Haadi, waxaana ay ku eedeysay Riyaad Xuutiyiinta in ay u adeegsato Dekada Magaalada Al Xudeyda Hubka kaga yimaada Iiraan, taasi oo ay iska fogeysay Kooxda.

Boqolaal Kun oo Yemen ah ayaa ka baxsaday Xudeyda oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Waddanka xagga tirada Dadka degan.

10 Kun oo Qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen dagaalka Yemen tan iyo markii uu kusoo biiray dagaalka Isbaheysiga Sacuudiga bishii March 2015.

W/Q Maxamed Cali Axmed(Rooraaye)

 

LEAVE A REPLY