Soonku waa Cibaado iyo Caafimaad

Soonku waa Cibaado iyo Caafimaad

667
0
SHARE

MUQDISHO- (SONNA)_ Erayga Soon asal ahaan waa eray Carabi ah oo micnihiisu yahay Joojin, qeexid ahaana waa in la joojiyo Cunista, Cabista, iyo Waxyaabaha Alle Xarimay maalinimada bisha Ramadaan iyadoo laga bilaabayo Fajarka (Salaada Subax ka hor) ilaa Qoraxda ka dhacdo (Maqrib) iyadoo ay ku dheehan tahay Niyad.

Waxyaabaha qofka sooman ka reebaan mudada uu sooman yahay waxaana ka mid ah.

1-Cunista iyo Cabista

Xilliga Cibaadada Soonka  ee waqtiga tilmaaman waxaa qofka sooman ka reeban dhamaan cunista  Cabidda iyo dhamaan wax kastoo jirka ka gala dulduleelada ,isla markaana qofka u kordhinaya tamar jir ahaaneed.

2- La dhaqanka reerkiisa (Gogosha)

Muslimiinta markii hore bisha Ramadaan oo dhan Mamnuuc ayey ka aheyd iney dumarkooda la gogol galaan,laakiin markii dambe Alle ayaa habeenka bisha Ramadaan u fasaxay wada dhaqanka gogosha, ka dib markii asxaabta qaarkeed qalad ka dhacay Alle ayaase ka cafiyay, oo Allaah wuxuu yiri:-

‘ أُحِلَّ لَكُمْ لَيْلَةَ الصِّيَامِ الرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَائِكُمْ ۚ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ

Waxaa la idin xalaaleeyay habeenka Soonka inaad u tagtaan dumarkiina iyagu waxay idin yihiin Dhar, idinkana waxaad u tihiin Dhar.

3- Anshax Xumida:-

waxyaabaha Alle Xarimay oo dhan Soonka wey buriyaan sida been in la sheeg,dadka oo la Xanto, la Caayo ama lala dagaalo, in Waajibaadka Rabbi sida Salaada aad ka tagto iyo kuwa kale oo badan Soonka ayey buriyaan.

Soonka yuu ku waajibay:-

1-Soonku wuxuu Waajib ku yahay Muslim kasta oo Qaangaar ah, Caqligiisuna taam yahay.Sida

Alle yiri:-
( يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ).
(Duulkii Alle Rumeeyoow waxaa la idinku Waajib yeelay inaad Soontaan sidii loogu Waajib yeelay kuwii idinka Horeeyay.

Casharada laga barto Soonka:-

1-Soonku wuxuu sabab u yahay in addoonku Illaahay ka cabsado, iimaanka iyo cabsida Illaahayna kor ayuu u qaadaa Soonka, waana mid ka mid ah xikmadaha Illaahay u waajib yeelay.

2- In addoonku ka garaabo ama aqoonsado nicmooyinka faraha badan ee Illaahay ku galadaystay sida Cuntada, Cabista, gudashada Shahwada, oo marka uu iska daayo uu garan karo haddii uu waayo, in uu sidan oo kale u dhib mudanayo. Taasina waxa ka dhalanaya inuu shukriyo.

3-Soonka waxa ku jira in Qofku Naftiisa ka adkaado oo uu u diido waxyaalo aanay ka maarmi Karin, isagoo ku tababaraya inuu waxa naftu doonayso ka joojiyo, ee aanay iyadu mar kastaba hogaamin, taas oo keenaysa inuu ka horjoogsan karo Xaaraanta inay ku dhacdo.

4-Waxa ku jira Soonka in la ciriiriyo waddooyinka shaydaanku jirka ku leeyahay, Waayo Shaydaanku wuxuu jirka bani’aadamka ka maraa meelaha dhiigu maro iyo curuuqaha.

5- Qofka Sooman wuxuu xasuustaa in uu u naxariisto walaalihiisa kale gaar ahaan masaakiinta, taasoo uu ku dareemayo gudashada Soonka dhibta gaajadu leedahay.
Soonka waxa ku jira faa’iidooyin dhinaca caafimaadka ah, taas oo dhakhaatiirtu cadeeyeen.

6-Faa’iidooyinka Soonka waxa ka mid ah in Qofka ay u sahlanaato inuu cibaadooyin badan samayn karo, waayo wuxu naftiisa ku layliyey Cibaado wayn oo Soonka ah

7-Waxa lagu bartaa Soonka Samirka iyo Dulqaadka

8-Soonku waa fursad lagu joojin karo dhamaan caadooyinka xunxun iyo balwadaha.

Fursadaha Caafimaad ee laga helo Soonka:-

Cilmi baadhis caafimaad oo dhawaan ay sameeyeen khubaro reer galbeed ah oo isugu jira Talyaani iyo Maraykan ayaa shaaca ka qaadday, faa’iidada caafimaad ee Soonku uu leeyahay , waxaana daraasaddan lagu soo bandhigay, xanuunada Soonku ka hor tago  iyo kuwa lagaga bogsado.

Sida lagu daabacay cadadkii ugu danbeeyay ee jariirada todobaadlaha ah  “Pham Actual” ee ka soo baxda dalka Faransiiska waxay ka warantay, xanuunada Soonku gaashaanka ugu noqon karo,kuwaas oo u badan, xanuunada maskaxda ku dhaca ee saamaynta ku yeesha unugyada difaaca ee dhiigga ayaa waxa ka mid ah ama ugu horeeya, cudurka Asaasaqa.“Alzheimer’s iyo xanuunka dhinac qalalka ee “Parkinson’s disease”, sida cilmi baaristan lagu ogaaday, laba maalmood oo isku xigta qofka Sooma, waxa awoodaysta qaybaha difaaca ee caawiya, neerfayaasha, halka hoos u dhac wayni ku dhaco xumadda iyo kor u kaca dhiiga ee aan caadiga ahayn.

Daraasaddan caafimaad ayaa sidoo kale iftiimisay, Soonka Toban maalmood oo is xiga qofku soomaa, inay ka yarayso, xanuunada lafaha ku dhaca ee Roomatiisanka loo yaqaan, kaas oo inta badan ku dhaca dadka waaweyn.

Khabiirradan ayaa la dhaygagay faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan ee Soonka ku jira, kuwaas oo taabanaya dhinac kasta oo nolosha aadamaha khuseeya,heerka waxtarkiisu gaadhsiisan yahay-na aan la qiiyaasi karin.

Xeel dheerayaashan ayaa la amakaagay, heerka aadka u sareeya, ee difaaca jidhku kor ugu kaco, marka qofku soomo.

 Waxtarka Soonku Jirka Aadanaha u leeyahay.

1 .Jirka waxaa uu siiyaa raaxo, waxaa uuna ka nadiifinayaa waxyaabaha haraadiga ee wasaqda ah.

2 . Soonka waxaa uu soo celiyaa shaqada iyo Firfircoonida unugyada iyo Nudayaasha Jirka .

3-Soonka waxaa uu ilaaliyaa awoodda Jirka waxaa uuna u qeybiyaa Jismiga hadba inta uu u baahanyahay.

4-waxaa uu yareeyaa Cudurrada Korostaroolka, iyo kuwa dhaca wadnaha,wuxuuna ka hortagaa in ay xirmaan xididada yar yar ee Jirka.

5-Soonka waxaa uu caafimaad u yahay Cudurka Sonkorta, sidoo kale waxaa uu jirka ka yareeyaa dufanka iyo xeryta.

Hadaba Sida Rasuulkeenna Muxamed CSW noo sheegay bisha Ramadaan waxay ka kooban tahay 3 Qaybood, 10ka hore waa Raxmad ama Naxariis, 10ka xiga waa Danbi dhaaf  iyo 10ka ugu danbeeya oo Alle Adoomadiisa amarkiisa qaatay ee bishaan Soomay Naarta ka Xoreeyo, sidaa  daraadeed maadaama bulshada Soomaliyeed ay yihiin Muslimiin jecel ku dhaqanka diintooda waxaa lagama maarmaan ah in ay iskaalmeeyaan, isku naxariistaan iyo inay is Cafiyaan si Alle noo siiyo fursadda qaaliga ah ee ah in uu nagu daro kuwa naarta laga xoreeyo,kuna guulaysta Jannadiisa qaaliga ah.

W/Q:- Abuukar Gobdoon

LEAVE A REPLY