55 guuradii aas-aaska Midowga Afrika oo maanta la xusayo

55 guuradii aas-aaska Midowga Afrika oo maanta la xusayo

690
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Maanta oo Jimce ah bishuna May-na ay tahay 25, waxay ku beegan tahay goortii la aas-aasay Ururka Midowga Afrika (OAU), balse hadda loogu yeero Midowga afrika (AU), waxaana la unkay sanadkii 1963-kii, waxaana qoraalkaan wax uga soo qaadaneynaa Taariikhda Ururkaasi.

Midowga Afrika Waa urur caalami ah oo ka kooban 54 dawladood oo Afrika ku yaalla, waxaana hore loo oran jiray Ururka Midowga Afrika (OAU), balse waxaa markii loo dambe loo bedelay Midowga Afrika (AU), 09/06/2002, ka dib markii la baabbi’iyay midowgii ama magacii hore ee uu lahaa ururkan oo ahaa isutagga dawladaha Afrika.

Go’aannada ugu waawayn waxaa la qaataa inta lagu jiro shirarka la qabto lixdii biloodba mar. Markaas waxaa ka soo qaybgala madaxda, ra’iisalwasaarayaasha iyo boqorrada. Shirguddoonka guud ee ururku waxaa uu ku yaallaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxa kamida waxyaabaha ay fuliyaan hay’adaha midawga afrika fududaynta iyo dadajinta isdhexgalka dhaqaalaha iyo isufuranka dhaqaale ee wadamada qaaradda Afrika si loo horu mariyo dhaqaalaha iyo Siyaasadda qaaradda Afrika.iyo sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha iyo amaanka qaaradda Afrika.

Midawga afrika waxa uu ka koobanyahay 2 qaybood oo kala ah mid maamul iyo siyaasadeed waxa loo yaqaanaa fuliyaha ama goaan qaataha koobaad ee ururka gudoonka guud oo ah madaxda ama boqorada dawladaha qaybta labaad waa qaybta Siyaasadda gudoonka guud ee midawga afrika hada waxa haya madaxwaynaha Malaawi kaas oo loodoortay fadhigii afar iyo tobnaad ee ururka waxa kale oo jira baarlamaanka afrika 2010, Adis Ababa waa caasimadda maamul ee ururka.
wadamada xubnaha ka ah:-

Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Eretaria, Komoros, Kiinya, Koonfur Afrika, Liberia, Libya, Madagascar, Malaawi, Mali, Maroco, Masar, Moritania, Musaanbiiq, Madaqaskar, Namibie, Nayjeeriya, Niger, Ruwanda, Saambiya, Sa’iir, Sénégal, Simbaabwi, Gini, Soomaaliya, Suudaan, Tansaaniya,Tchad, Togo, Tunisie, Ugaandha, Jabuuti, Angola, Benin, Botswana, Burkina Faso, Burundi, Kamiruun, Kab Ferde, Xeebta Foolmaroodi. Gambia, Ghana, Itoobiya.

Maanta waxay ku beegantahay 55 guurada ururka Midnimada Africa ee horey loo oran jiray OAU, ururkaasi oo ay ku bahoobeen ilaa iyo 54 dowladood ayaa la aas aasay bishii May 25keedii sanadkii 1963kii, hase yeeshee waxaa ururka magacaasi laga bedelay 26kii bishii May ee sanadkii 2002-dii, shir ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana loo bedelay AU.

Haddaba Dabaal degyo lagu xusayo 55 sano guurada ururkan Midnimada Africa ayaa la filayaa in lagu qabto Caasimadda Itoobiya ee Addis ababa.

W.D: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY