Falastiin oo ICC ka codsatay inay baaritaan ku samayso gabbood fallada ay...

Falastiin oo ICC ka codsatay inay baaritaan ku samayso gabbood fallada ay Israa’iil ka waddo Dhulkooda

295
0
SHARE

RAMALLAH-(SONNA)-Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Falastiin Riyad al-Malki, ayaa Maxkamadda demniyada Caalamiga ICC ka codsatay inay baaritaanno ku samayso degaamaynta iyo weerarrada ay Dhulkooda ka waddo Israa’iil.

Al-Malki, ayaa Maanta oo Talaado ah Waraaq u gudbiyay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda dembiyada dagaalka ICC ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hegue ee Dalka Netherland, isagoo ugu baaqay inay xaaladda soo fara geliso Maxkamaddu barakicinta iyo xasuuqa lagu hayo Falastiiniyiinta.

Tan iyo 30-kii March ee Sanadkan waxay Ciidamada Israa’iil dileen in ka badan 110 Qof oo Falastiiniyiin ah, iyagoo dhaawacay Kumanaan kale, kuwaasi oo dibed baxyo nabadeed ka dhigayay marinka Gaza.

Dabayaaqadii December 2014, ayuu Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas Abuu Maasin saxiixay heshiiska Roma, kaasoo u oggolaanayay inuu Dalkiisa xubin ka noqdo Maxkamadda dembiyada Caalamiga ah ee ICC, tallaabadaas oo Falastiin u oggolaan karta inay dacwadaheeda u gudbiso Maxkamadda Hegue.

Isha/ Anadolu

LEAVE A REPLY