Maamulka Gobalka Banaadir oo furay Seminaar lagu baranayo Dowlad wanaaga & Xalinta...

Maamulka Gobalka Banaadir oo furay Seminaar lagu baranayo Dowlad wanaaga & Xalinta Qilaafaadka

221
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta Siminaar u furtay qaar kamid ah dhalinyarada Ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Siminaarkaan oo socon doono labo cisho ayaa waxaa lagu baran Doonaa Dowlad wanaaga iyo Xalinta Qilaafaadka.

Gudoomiye Basma ayaa dhalinyarada kula Dardaarantay in ay ka shaqeeyaan Amniga Magaalada Muqdisho Maadaama dhalinyaradu ay yihiin laf dhabarta Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed loo bari lahaa Dowlad wanaaga, waxaana Masuuliyiinta ugu sareysa Gobalka ay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin Dhalinyarada si dalka hormarkiisa kaalin weyn ay kaga qaataan.

LEAVE A REPLY